DHAGEYSO WAREYSI: Baaritaano laga sameeyay Suuqa Bakaaraha

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta waxaa laga sameeyay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu soo qab qabtay Dad aad u fara badan, kuwaas oo intooda badan dib loo soo daayay halka kuwa kalena weli lagu sameynayo baaritaano dheeraad ah.

Waxaa dib u bilowday Ganacsigii Suuqa Bakaaraha, waxaana Ciidankii Howlgalka sameynayay ay dib uga baxeen Suuqa Bakaaraha.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha wax ku iibisa ayaa arimahaasi Idaacadda Risaala uga waramay.