Biyo yari ka jirta Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Shacabka ku nool Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud gaar ahaan Dadka Barakacayaasha ah ee halkaasi ku dhaqan ayaa waxa ay qeylo dhaan ka muujiyeen dhibaatooyinka xilligan ka taagan Degmadaasi, gaar ahaa Biyo yarida halkaasi ka jirta.

Dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in biyaha ay u doontaan meel qiyaastii Degmada u jirta 20-KM, iyadoo ceelalka ku yaallay Degmada ay gureen.

Biyo yaridan soo wajahday Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay saameysay dadka iyo duunyada ku nool degmadaasi, gaar ahaan Dadka Barakacayaasha ah.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in Degmada Guriceel ay ceelasheeda Biyaha yihiin kuwo yar, sidoo kalena uusan ku filneyn dadka Degmada ku nool.

Waxa ay sheegeen in nolol xumo dhanka Biyaha ah ay ka jirto Degmadaasi loona baahan yahay in gar gaar lala soo gaaro dadka halkaasi ku nool oo la dhibaatoonaya Biyo la’aan.