DHAGEYSO WAREYSI: Baaris lagu hayo nin AMISOM ay ku dhex dileen Kunteenar

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa Idaacada Risaala u sheegay in ay baarayaan nin ku dhintay Kunteenar yaallay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ay baarayaan sababta keentay in ninkaasi uu ku dhex dhinto Gudaha Kunteenarka.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed C/dulle Fiidoow ayaa sheegay in ninka dhintay iyo Saddex kale ay Ciidanka AMISOM Ku xereen Kunteenar yaallay degmada Jalalaqsi.