Su’aal ayaa ka taagan Guddiyada Baarista ee Dowladda Federalka Soomaaliya u xil saarta kiisaska u baahan baaritaanka dheeriga ah iyo xagdubyada Xilliyada qaarkood ka dhaca ciidanka iyo Dowladda intaba.
Dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay gudaha dalka, ayaa loo xil saaray Guddi Baaris oo Dowladda ay u xilsaartay balse Natiijooyinka Guddiyadaasi ayaa waxa ay noqdeen kuwa aanan ilaa hadda la ogeyn meesha ay ku dambeeyaan, sababo ku aadan in Guddiyada Baarista qaarkood oo xogta la xiriirta Baarista dib ugula noqda Madaxda oo aysan Bulshada la wadaagin.
26-kii Bishii August Maalin Jimco aroor hore ah waxaa Duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose lagu dilay dad beeraley ahaa, kuwaasi oo ay dileen ciidan Ajanib ah iyo kuwa Somali ah, iyadoo arintaasi xiisad ka dhalatay dowladda ay markii dambe guddi u xil saartay.
Dowladda ayaa Warbaahinta la wadaagtay xilligaasi Guddiga la magacaabay oo Maalintii Sabtida Dowlada arintaan u xilsaartay sida uu sharaxayo Ra’iisal Wasaaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Iswaydii Gudigan Baaristii ay sameeyeen ma lawadaageen Bulshada, mise la og yahay sida loo xaliyay dhacdadii Bariire, inkastoo Odayaasha dadkii la laayay iyo Xildhibaano un ay Warbaahinta ka sheegeen I isfagarad arintaasi laga gaaray, haddana sow ma habooneyn in Dowladda si dhab ah u soo bandhigto natiijada Baaristaasi, cida qaladka laheydna la cadeeyo.
26-kii Bishii July Iska hor imaad xayndaabka Madaxtooyada ku dhexmaray ciidamada Militariga iyo NISA, ayaa sababay geerida Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Suggida, iyo sidoo kale dhimashada ku dhawaad Shan askari.
Dowladda Somaliya oo ficilkaasi ka jawaabaysa ayaa isla maalintii uu dhacay iska hor imaadka, waxa ay magacowday Guddi Baaritaan oo loo xil saaray kiskaasi.
Illaa hadda lama oga natiijada Baarista isku dhacii ciidanka Madaxtooyadda halka ay ku dambeyso, inkastoo la sheegay kaliya in la xiray ciidamadii dagaalamay.
Aragtida qaar ee dadka ay qabaan ayaa ah in Guddiyada la magacaabo oo aanan laga fiirsan iyo shaqasiyaadka Guddiyada laga dhigaayo inay qudhooda cabsoodaan.
Baarlamaanka Somaliya ayaa laba Cisho ka hor Guddi u xilsaaraya Baarista kiiska la xiriira arinta Qalbi Dhagax, haddaba natiijo caynkee ah ayaa laga filayaa.
Dowladda Somaliya oo masuuliyad ay ka saaran tahay Shacabka, ayaa muhiim ah inay la wadaagto xogaha ku saabsan dhacdooyinka dhaca ee u baahan baarista, inkastoo Natiijooyinka Guddiyada ay noqdaan kuwa aamusnaan lagu soo kobo.


