DHAGEYSO WARBIXIN:- Maxay Ciidanka Millatariga ka bedeli karaan ammaanka Muqdisho ?

Muqdisho-RisaalaFM- 22 Bishan July Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray laamaha amniga inay la yimaadaan isbadal lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho iyo la furo waddooyin badan oo magaalada ku yaalla oo xirnaa.

Dhaq dhaqaaqa isbadalka ayaa ka bilowday in waddooyinka Muqdisho la furo, lana kaxeeyo ciidamadii xasilinta ee isgoys-yada magaalada Muqdisho joogay, kadib waxaa soo baxday in ciidamada guutadda 14-ka October oo ka tirsan Millatariga Soomaaliya ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta caasimadda Somalia.

Ciidamo cusub oo Millatari ah ayaa lagu arkayaa hadda inay la wareegeen ammaanka degmada Afgooye, degaanka Ceelasha Biyaha, Siinka Dheer, Jazeera iyo wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida dadka degaanadaa iyo saraakiil ciidan ay inoo xaqiijiyeen.

Ammaanka magaalo kasta waxaa xaqiijiya ciidamo boolis ah, laakiin magaalada Muqdisho oo marar badan falal amni daro ay ka dhaceen, waxaa shaqadii ciidamada booliska qeyb ka ahaa ciidamo kala duwan oo tababaro qaba.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixintan oo uu inoo diyaariyay Wariyaha Risaala, Mohamed Isse Mohamud.