Muqdisho-RisaalaFM- Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Sababta xilka looga qaaday Wasiirka ayaa waxaa loo badinayaa inay tahay hadal uu sheegay ee ahaa inaanu aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka xittaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, hadalkaasi ayaa la sheegay inuu ka careysiiyay Madaxda Qaranka.
Warbixin dhameystiran oo ku saabsan sababta ka dambeysay xilka qaadista Wasiirkii Waxbarashada waxaa inoo diyaariyay Wariyaha Risaala Mohamed Isse Mohamud.



