Muqdisho-RisaalaFM- 28-kii maamlmood ee la soo dhaafay ee Bisha Ramadan waxaa Idaacadda Risaala ka socday ilaa iyo 5 Tartan kuwaas oo xiiso gooni ah lahaa.
Tartamada cajiibka ah ee Idaacadda Risaala sanadkan ay qabatay oo horey aan loo arak ayaa waxaa ka mid ah Tartanka Qur’aan Akhriska Caruurta da’doodu ay ka hooseyso 7-sano jirada, iyadoo tartankaas kaalinta 1-aad ay ka gashay gabar jirta 5 sano oo kaliya halka kaalmaha 2-aad iyo 3-aad ay kala galeen wiilal jira 5 sano.
Tartamada cajiibka ah ee Idaacadda Risaala sanadkan ay qabatay ayaa sidoo kale waxaa ka mid Tartanka shareecada oo ay ka qeyb galeen Hablo iyo Wiilal, waxaana kaalmaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad kala galay gabdho oo kaliya.
Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha ayaa sidoo kale qeyb ka ah Tartamada Idaacadda Risaal ay qabatay.
Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa sidoo kale xiiso gaar ah lahaa kaas oo soo galayay xilliyada galbaha, iyadoo dhageystayaasha Idaacadda ay aad kaga heleen Tartanka.
Dhamaan tartamadaas markii ay soo dhamaadeen waxaa la bixiyay abaalmarino aad uqaali ah kuwaas oo la siiyay tartamayaasha kaalmaha ka galay tartamada si ay ugu soo gataan dharkood Ciida.
Mudane Maxamed C/wahaab C/laahi Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Idaacadda Risaala ay caado ay utahay sanadkasta islamarka uu soo dhamaado tartanka in abaalmariandooda la siiyo tartamayaasha guuleystay.
Tartanka Degmooyinka Risaala oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo 16 Degmo oo Labo ka mid ah ay ka socdeen gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-kalena ay ka socdeen gobolka Banaadir ayaa waxa uu ahaa mid aad cajiib u ah, iyadoo ay taaba galineysay shirkadda cabitaanada COCA COLA.
Degmada ku guuleysatay tartankan ee C/casiis ayaa lagu abaalmariyay Lacag dhan 1,500 oo Dollar, halka sidoo kalena degmada kaalinta Labaad gashay lagu abaalmariyay Lacag dhan 1,000 Dollar.
Madaxa Suuq geynta shirkadda COCA COLA Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa sheegay in ujeedada tartankan loo qabtay uu ahaa sidii wacyi gelinta bulshada kor loogu qaadi lahaa.
Cismaan Muxudiin Cariif Gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa sheegay in Idaacadda Risaala ay noqotay Idaacadda bixisa abaalmarinada ay tartamayaasha ku guuleystaan.
W/D:- Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar


