Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa wuxuu sheegay inay wadaan dadaaladii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda loogu soo celin lahaa Jardiinooyinka iyo goobaha danta guud.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Saddexdii July ee sanadkan go’aan ku soo saaray in dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka, go’aan kaas wuxuu ku ekaa bilawgii bishii August ee sanadkan, balse weli ma aanu dhaqan gelin.
Haddaba Gudoomiye Yariisow Waxaa uu shaaciyay in dowladda Dhexe hoose ee Muqdisho ay xoog kusoo celin doonto Jardiinooyinka, dastuurka Maxuu ka qabaa hadalka Gudoomiyaha?.
Warbixintaan waxaa noo diyaariyay Faysal Cabdullaahi Maxamuud.



