DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay shirarka ka socdo Garowe

Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal waxaa wali ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo halkaasi u tagay qancinta maamulka Puntland si looga dhaadhiciyo qorshaha doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen dowlada iyo maamul goboleedyada.

Gudi kala matalaya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa shir gaar ah shalay ku yeeshay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, iyaga oo ka shiray nidaamka doorashada ee dalka.

Puntland ayaa wali diidan in nidaamka 4.5 lagu dhiso aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.