DHAGEYSO: Warar ku saabsan Xiisadda Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xaaladda Magaalada ay degan tahay ,islamarkaana aysan jirin Xiisad weyn oo ka taagan.

Puntland oo ka hadashay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in Garoonka diyaaradaha ee lagu muransan yahay uu shaqeynaayo ,islamarkaan aysan jirin dhibaato u dhaxeysa labada dhinac oo caqabad ku noqotay Shaqadda Garoonka.

Dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in aysan jirin wax dhismo ah oo maanta laga sameeyay Garoonka.

Xiisadan ayaa si gaar ah waxa ay uga taagneyd  Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, kaasi oo dhowaan Puntland ay sheegtay in ay balaarineyso dhismaha Garoonka.

Cabdi Xuseen Maxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dowladda Imaaraadka Carabta in ay dhisato Garoonka Gaalkacyo oo ka wada dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.