DHAGEYSO: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku shirsan Baydhabo

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa ay ku leeyihiin kulan ay kaga hadlayaan Lacago loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen oo la musuqmaasuqay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii Musuq maasuqay lacagihii dadka ay Abaaruhu Saameeyeen loogu tala galay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa eedeeyay Guddiga Gurmadka Abaaraha Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in ay ku fashilmeen in ay si wanaagsan u qaybiyaan lacagihii loogu tala galay dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

Sidoo kale Xildhibaanad Qaarkood ayaa sheegay in degaanada gobolka Shabeelaha Hoose aan la gaarsiin wax gargaar ah.