Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wafdiga ka socday Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayay wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow iyo Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha & doorashooyinka Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa ay intiisa badan uga hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka iyo habsami u socodkeeda, xilli musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland qaarkood ay horay u sheegeen inaysan kalsooni ku qabin Guddiga.
Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa sheegay in Guddiga ay kulmeen markii labaad,isla markaana dhowr bilood ka hor ay Siminaaro ku siiyeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay inay warbixin ka siiyeen halka ay marayaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyo inay arkaan waxyaabaha ka socda Magaalada Kismaayo oo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo uu sheegay inay isku afgarteen Arrimo badan.
Dhankooda Xubnaha ka socda Urur Goboleedka IGAD kama hadlin kulankii ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland marka laga reebo Warbaahinta ku hadasha Afka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo baahisay Warbixin uu dhiibay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland.



