Kismaayo-RisaalaFM- Wafdi balaaran oo ay hoggaamineysay Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo xubno kale.
Maryan Qaasim Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo ay wehliyeen xubno ka socday Hay’adaha UN-ka ayaa waxa ay kulan la qaateen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Abaaraha.
Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Marwo Maryan Qaasim ayaa sheegtay in ay u kuurgeli doonto xaalada ay ku sugan yihiin dadka dhibaateysan ee ku nool Kismaayo.
Shalay ayay aheyd markii Wafdi balaaran oo ay hoggaamineysay Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Maryan Qaasim ay gaareen Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.



