Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya aya maanta waxa ay ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud) ayaa Ciidanka Booliska kula dar daarmay in ay la shaqeeyaan Taliyaha cusub, isaga oo Ciidanka Booliska ka codsaday in ay aqoontooda kor u qaadaan.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa sheegay dhowaan Ciidanka Booliska in ay la imaanayaan qorshe lagu sugayo amniga dalka.
Ugu dambeyntii Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa dhankiisa sheegay in Ciidanka ammaanka lagula xisaabtami doono waxqabadkooda, isaga oo uga digay in shacabka ay si xun ula dhaqmaan.




