DHAGEYSO: Xildhibaanada BF oo doortay Guddi

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha shacabka, waxaana xaadiray kalfadhigan in ka badan 200 oo xildhibaan.

Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada ayaa iska soo doortay ilaa iyo 5 xubnood, kuwaas oo Golaha shacabka u matalaya Guddiga dabagalka iyo dhaqan gelinta Dastuurka dalka.

Ilaa iyo 5 xubnood oo kale ayaa waxaa la filayaa in ay ka yimaadaan xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida horey loo sii sheegay.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta maanta.