DHAGEYSO: Wadayaasha Booyaddaha oo cabasho ka ah Ciidamada dowladda

Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka Shidaalka Ama Booyaddaha ayaa cabasho ka muujiyay ciidamo ay sheegeen in ay u diideen in ay maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho xilliyadda maalintii ah.

Waxa ay sheegeen in lagu amray in ay shaqeystaan Habeenkii oo kaliya, waxaana ay tilmaameen in habeenkii aysan helayn  meel ay kasoo qaadaan Shidaal Maadaama keydadka Shidaalka ay xiran yihiin.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Booyadaha oo warbaahinta u waramay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka heysta waxaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada lagu haayo.

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horay lagu mamnuucay in Booyadaha iyo Gawaarida xamuulka ay isticmaalaan wadooyinka Muqdisho maalintii.