DHAGEYSO: Waaberi iyo Yaaqshiid oo ku tartamay Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii 6-aad galay Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana galabta Tartan xiiso badan uu dhexmaray Degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid oo labaduba ku yaala gobolka Banaadir.

Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa ah shirkad dalka keenta cabitaano aad u heer sareeya sidoo kalena sanadkan dhexda u xiratay in ay maalgaliso Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala, waxaana mar walba COCA COLA ay taageertaa oo kharash ay ku bixisaa dadka waxbarta iyo sidoo kale dadka taageera waxbarashada.

Tartanka Sanadkan Idaacadda Risaala ay qabaneyso ayaa waxaa qori tuurkiisa loo sameeyay oo ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid ayaa galabta waxa ay soo bandhigeen tartan aad uheersareeya, waxaana degmo kasta sida caadada aheyd la weydiiyay 6 su’aal.

Degmada Waaberi ayaa galabta waxa ay guul ka gaartay degmada Yaaqshiid kadib markii 8 iyo 7 ay uga adkaatay, waxaana weli degmada Yaaqshiid ay heystaa fursado kale maadaama kulankeedii ugu horeeyay galabta ay tartantay.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka udhaxeeyay degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid.

Maalinta beri ah oo Bisha Ramadaan ay noqon doonto 7 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona Degmooyinka Kaxda iyo C/casiis oo kuwada jira Group D.