Mudug-RisaalaFM- Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Korneel Cusmaan Xasan Muuse ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ammaan ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay Taliyaha in ammaanka Magaalada Gaalkacyo uu aad u wanaagsan yahay, xilli kastana Ciidamada ay ku jiraan Howlgallo lagu xaqiijinayo ammaaka.
Dhanka kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan kooxo Moobilada dadka ka dhici jiray iyo kuwo dhac u geysan jiray Gaadiidka Dadweynaha.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi Maxamed Cali Siyaad.


