DHAGEYSO: DF “Waxaan diyaarinay nidaam looga hortagayo Musuq maasuqa”

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in la diyaariyay nidaam looga hortagayo Musuq maasuqa ka jira Hay’adaha Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Dowladda hada in ay qorsheysay diyaarinta nidaam looga hortagayo Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Dowladda Federaalka ahmiyad gaar ah in ay siineyso sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya loo asteynayo maalinta Musuq maasuqa.