Ciidamada Dowladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan Shabaab 1-dii habeennimo ee xalay kadib weerar ka dhacay meel 9-KM u jirta degaanka la yiraahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.
War saxaafadeed kas oo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen goobtaasi, ayna ka sameeyeen hawlgal saaka.
Waxa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalku ka dambeeyey markii ay ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen Shabaab.
Kenya waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay ku dishay 52 ka tirsan Al-Shabaab isla markaana kuwo kale la baxasadeen dhaawacyo.
Kenya waxay kaloo sheegatay inay hawlgalkaasi ku qabsatay hub iskugu jira 7 qori oo AK47 ah, 1 PKM, 104 xabbo oo rasaas ah, 3 walxaha qarxa oo diyaarsan iyo kuwo aan diyaarsanayn iyo laba telefoon.
Dadka deegaanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay inay arkeen diyaaradaha helikobtarrada ee Kenya oo duqaynaya deegaan lagu magacaabo Sangaabo oo u dhow Sariira.
Waxay dadka deegaanku sheegeen in goobta la duqaynayey ay u dhowdahay Lagta Dishuu oo ay saldhig ku leeyihin ciidamada Kenya.
XIGASHO;- VOA


