Magaalada Bayadhabo ee Xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa caawa waxaa ka taagan xaalad cabsi xoogan ah, oo laga qabo in iska hor imaad uu ka dhaco gudaha magaaladaasi.
Ciidamo taabacsan Mukhtaar Rooboow ayaa waxa ay heystaan oo ay dhufeys kaga jiraan qeyb kamid ah magaalada Baydhabo iyadoo sidaas si lamid ah Booliska gaarka ahee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay gacanta ku hayaan qeybta Madaxtooyada iyo Airoboorka Baydhabo, sida uu inoo xaqiijiyay wakiil wareedka Risaala ee Baydhabo.
Waxaa gebi ahaanba xiran wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Baydhabo kadib markii banaanbaxayaal ka careysan xiritaanka wadaadka ay isugu soo baxeyn bartamaha magaalada ayna dhagxaan dhigeen badi wadooyinka.
Halkaan hoose ka dhageyso warbixin uu wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo Siid Cali Muuse inaga siiyay xaalada guud ee Baydhabo.


