Gudoomiye Mursal:”Dowladda dhexe way ku qaldaneyd soo xiritaanka Rooboow”

Afayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA’da ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay masuuliyadeeda qaadayso ruuxii ku geeriyoodaa xiisada ka taagan Baydhabo.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in kol sii horeysay uu ka digay dhibaatada ka dhalan karta waxa uu ku tilmaamay faragelinta doorasahada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iminkana ay muuqato dhibaatada ka dhalatay dowldda dhexena ay masuuliyadeeda leedahay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku qaldaneed soo qabsahada Mukhtaar Rooboow dibna lagala xisaabatami doono qaladkaasi uu sheegay in ay galeyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu culumada, dhalinyarada, iyo aqoonyahanada maamulkaasi ugu baaqay in ay door muhiim ah ka qaataan sidii ay ugu hor tagi lahaayeen in xiisada ka dhalatay xiritaanka Mukhtaar Rooboow, ay isku badasho dagaal ka qarxada Baydhabo.