DHAGEYSO: W/Maaliyadda oo isbadel ku sameysay Mushaaraadka Ciidamada iyo Safaaraddaha

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Wasaarada Maaliyada bishii la soo dhaafay ee May.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay kulamo uu Magaalada Nairobi kula yeeshay hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha maaliyada iyo dowladdaha qaar ee dhanka dhaqaalaha ka taageero dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in Maanta ay mushaar siinaya 5,000 oo askari oo ka mid ah ciidanka dowladda kuwaasi oo uu sheegay wasiirka in la marsiiyay hanaanka ay dowladda mushaaraadka ku bixiso.

Waxa uu tilmaamay in askartaasi dhamaantood loo sameeyo Akoono bil walbo lacagta loogu shubayo oo aysan dhici doonin in taliyaashooda loo soo marsiiyo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Safaaradaha dibada ay u dirayaan dhaqaalaha ay ku shaqeynayaan.

Waxa uu xusay Wasiirka in Safiirada ay kula xisaabtamayaan dhaqaalaha dhankooda ka soo gala dalalka ay joogaan, lagana doonayo in ay dowladda la wadaagaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso soo saarista lacagaha Shilling Soomaaliga, wasaaraduna ay wado dadaaladii ugu dambeeyay.