DHAGEYSO: Turkiga oo Soomaaliya ku bixiyay maalgalin gaareysa 100 Million

Kadib markii maalintii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shirka looga hadlayo ganacsiga iyo maalgashiga dalka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga waxa ay sheegtay in dhaqaale badan oo maalgashi ah ay ku samayn doonto dalka Soomaaliya.

Raysalwasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo ka qayb galayay shirka ka dhacay magaalada Istanbuul loogana hadlayay maalgashiga dalka Soomaaliya in dowladda Turkiga in ka badan 100 Million oo dollar ay maalgashi ku samayso dalka Soomaaliya tan iyo dhamaadkii sanadkii 2015 sida uu hadalka u dhigay

Waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Turkiga ay wado qorshe maalgashi dhaqaale badan uu ku baxaayo.

Ay kaga sameyneyso dalka Soomaaliya waxaana jira balanqaadyo badan oo dowladda turkiga ay ka sameyso shirka maalgashiga iyo ganacsiga eek u soo dhamaaday dalka Turkiga.

Waxaa sidoo kale jira heshiis ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga in maalgashi cusub hey,adaha dalka Turkiga ay ku sameeyaan dalka Soomaaliya.

Shirkaasi dowladda Soomaaliya waxaa kaga qetb galay wasiirka ganacsiga xukuumada Soomaaliya sidoo kale waxaa goob joog ahaa hay,ado badan oo dhanka ganacsiga kuwaas oo ka howlgala dalka Soomaaliya iyo wadamo kale oo Africa ka howlgala.