Buuhoodle-RisaalaFM- Waxaa sii kordhaya dadka uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, kaasi oo ka dilaacay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
Dhaqaatiirka ka howlgasha goobaha caafimaadka ee Degmada Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay tirada dadkii jiifay Isbitaalka ay aad u yaraayeen, balse hada ay kor u dhaafayaan 350 ruux.
Dadkan jiifa Isbitaalka Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa laga kala keenay Degaano hoostaga Degmada Buuhoodle.
Mid ka mid ah Dhaqaatiirka ka howlgasha Isbitaalka Degmada Buuhoodle ayaa saxaafadda uga waramay dadka hada jiifa Isbitaalka ee uu soo ritay cudurkan.


