DHAGEYSO: Puntland oo weerar ku ah Daacish

Bari-RisaalaFM- Maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada dalka ka jira ayaa waxa uu sheegay in ay weerar ku yihiin Degaanada ururka Daacish ay ka joogaan Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegay Daacish in ay joogaan Degaano hoostaga Degmada Qandala, gaar ahaan dhulka buuraha, halkaasi oo uu sheegay in Gaadiidka iyo Ciidanka intuba ay u galaan.

Jaamac Maxamed Quurshe Guddoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa tilmaamay Maamulka Puntland iyo Ciidanka intuba in ay isku diyaarinayaan qaadista Howlgal ka dhan ah Daacishta dhuumaaleysiga ku joogta buuraha ku xeeran Degmada Qandala.

Sidoo kale Guddoomiye Jaamac ayaa sheegay in Ciidamada dhowaan ay qaadi doonaan Howlgalkaasi, si loo xaqiijiyo in Daacish Aagaasi laga sifeeyay.