Beledweyne-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa caawa xaafada Howlwadaag Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Nabadoon, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, iyaga oo Rasaas kaga furay qeybta sare ee jirkiisa, kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Nabadoonka la dilay in lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisow, kaasi oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.
Ciidanka ammaanka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay haareen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaano la xiriira dilkan iyo sidii loo soo qaban lahaa raggii dilkan fuliyay.
Shabaab ayaa horey u sheegay in ay beegsanayaan Odayaasha Dhaqanka ee xildhibaanada ku soo doortay Degaan Doorashooyinka dalka.


