DHAGEYSO: Tirada dadka u geeriyoonaya shuban biyoodka oo sii kordheysa

Baay-RisaalaFM- Waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka shuban biyoodka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, dadka ku nool Buur-hakaba waxa ay sheegayaan dad badan oo caruur ah in ay dhintaan, saacadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku geeryooday.

Nabadoon Mustaf Axmed Malaaq Guudow oo ku sugan Degmada Buur-hakaba ayaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegay in xaalada ay sii xumaaneyso marba marka ka dambeysa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga doonayaa u gurmashada caruurta u geeriyoonaya shuban-biyoodka, kuwaas oo dhaqaatiir la tacaala noloshooda u baahan.