Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa shalay dib ugu soo laabtay Puntland kadib markii uu muddo dhan 5 bilood uu ugu maqnaa dalka Hindiya arrimo Caafimaad.
Cabdi Xirsi Cali ayaa dadweynaha reer Puntland ugu baaqay inay si wada jir ah uga shaqeeyaan amiga gobolada Puntland, isagoo sheegay in muhiim ay tahay in amniga laga wada shaqeeyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland in ay heysato colaad iyo Abaar, wuxuuna tilmaamay in keliya looga bixi karo midnimo iyo wax waqa qabsi.
Waxa uu sheegay amniga Degaanada Puntland hada in uu yahay mid wanaagsan, maadaama Ciidamada ay ku jiraan feejignaan dheeri ah iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada mararka qaar dhaca.
5-tii May ee sanadkii 2016-kii ayaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso, kadib iska horimaad dhexmaray Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.


