Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay sare u kaceen tirada Dalxiisayaasha Lixdii Bilood ee la soo dhaafay.
Wasaarada Dalxiiska Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ku dhowaad Labo Milyan oo Qof ay soo booqdeen Dalka Kenya ilaa iyo bilowgii sanadkan, iyadoo inta badan ee dadkaasina ay ka yimaadeen Mareykanka.
Dalxiisayaasha ugu badan ee u soo damaashaad taga Kenya waxa ay ka imaan jireen Dalka Britain, balse maxaa keenay in Mareykanka oo Duulimaad toos ah uusan kala dhaxeynin Kenya ay arintaasi gasho, Waa arin xitaa Dowladda Kenya aysan sharaxaad u heynin.
“Waxaan sameyn doonaa qiimeyn ku aadan waxyaabaha ay ku jecleysteen Dadka Mareykanka ah oo ay ugu soo bateen in ay Dalxiis ugu yimaadaan Kenya, waxaana rajeyneynaa in markaan ogaano waxyaabahaasi aan sii kordhin doono waxa lagu jeclaaday iyo adeegyadaasi”.
Tiradaasi Dalxiisayaasha ayaa aad hoos ugu dhacday wixii ka dambeeyay sanadkii 2011-kii markii Kenya ay Ciidamadeeda ay u dirtay Soomaaliya .
Al-shabaab ayaa tan iyo markaasi weeraro badan ka geystay gudaha Dalka Kenya, weeraradaasi oo hoos u dhacay Bilooyinkii dambe, waxaana Dowladda Keya ay rajeyneysaa in dhowr Milyan oo Dalxiisayaal ah ay yimaadaan Dalkeeda oo caan ku ah Dalxiiska xeebaha iyo booqashada duur joogta.


