DHAGEYSO: Tarsan oo ku baaqay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Bankiga Dhexe

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo shalay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu sheegay in Bankiga lagala baxay lacag gaareysa 530,000 oo Dollarka Maraykanka ah ayaa waxaa arintaasi walaac ka muujiyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in arintan ay tahay mid fashil ku ah Dowladda Soomaaliya ee hada jirta, sidoo kalena loo baahan yahay in xil ka qaadis deg deg ah lagu sameeyo  Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali.

Siyaasiga Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn lacag cadadaas dhan in lagala baxo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu sheegay in Bankiga lagala baxay lacag gaareysa 530,000 oo Dollarka Maraykanka ah, taasina uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Qasnajiga Bankiga.

Hay’adaha amniga iyo Laamaha Baarista ayaa dabagal ku haya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag cadadaas dhan lagala baxo, inkastoo weli aysan jirin dad loo soo qab qabtay arintan.