Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland Generaal Muxyaddiin Axmed Muuse ayaa eedeyn u jeediyay Maxkamaddaha Racfaanka maamulka Puntland ee ku yaalla degaanada maamulka Puntland.
Waxaa uu sheegay in ay kasoo horjeeddaan in lala xisaabtamo dambileyaasha lagu soo qabto falalka ka baxsan Sharciga.
Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lala xisaabtamo Maxkamaddaha , Maadaama aysan ciqaabta ay mudan yihiin aysan marsiin kuwo dhibaatada geysta.
Hadalkaan ayuu taliyuhu ka sheegay Magaalada Boosaaso oo lagu soo qabtay Kooxo ka ganacsata Maandooriyeyaasha.



