Boosaaso-RisaalaFM- Taliye ku xigeenkii 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Qabuuro ku yaalla Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kadib markii uu u geeryoodey dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan.
Aaska Taliye ku xigeenkii 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi ayaa waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, Maamulka Gobolka iyo Saraakiil ciidan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland General C/qaadir Shire Faarax ayaa waxa uu sheegay in la aqoonsaday cidii ka dambeysay dilka Taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi.
General C/qaadir Shire Faarax Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa sheegay dhowaan in ay gacanta ku soo dhigi doonaan raggan, sidoo kalena ay soo bandhigi doonaan.
Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkan.


