DHAGEYSO: Taliye Bishaar oo baaq u diray shacabka

Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Hay’adaha amniga in ay wadaan shaqadooda loo idmaday ee ah in ay amniga adkeeyaan, balse weli ay banaan tahay kaalinta shacabka looga baahnaa.

Waxa uu sheegay Taliye Bishaar shacabka in looga baahan yahay hiilo iyo garab istaag ay u sameeyaan Ciidamada ammaanka, loogana baahan yahay sidii ay taageerada weyn ugu muujiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale Bishaar Abshir Geedi Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay ragga falalka amni darada geysta in ay ku dhex jiraan shacabka, loona baahan yahay in farta lagu fiiqo.

Waxa uu sheegay amniga in uu yahay amni wadareed, oo uusan masuuliyad keliya ka saarneen Ciidamada amniga, wuxuu ku baaqay wada shaqeyn wadajir ah.

Magaalada Muqdisho mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo loo geysanayo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamanka iyo Ciidamada Dowladda, waxaana inta badan masuuliyadooda sheegta Shabaab.