Dhageyso:-Taliyaha Booliska oo dhaliilay Ciidamada ay tababaraan Kenya & Uganda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladda jabuuti ay  Soomaaliya u tababartay Ciidamo Boolis  ah oo ay tiradooda gaareyso 2,600, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga dalka.

Waxa uu sheegay taliye Bashiir in Ciidamada ay tababartay dowladda jabuuti in ay ka howlgallaan Magaalada Muqdisho iyo  gobalada kale ee dalka, sigaar ah deegaanada laga saaray Ururka Al-Shabaab.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada ay tababaraan dowladaha Uganda iyo Kenya ay ka taya  iyo tababar fiican yihiin kuwa ay tababarto dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.