DHAGEYSO: Taliska Jubbaland oo baaq u diray shacabka

Kismaayo-RisaalaFM- Taliska Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa bulshada ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Dagaalka ururka Al-shabaab.

Maxamed Guuleed Xasan oo ah Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland ayaa shacabka ku nool Jubbooyinka ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan Dagaalka lagula jiro Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliyaha in Shabaab ay yihiin cadowga ka soo horjeeda Nabad, wuxuuna intaasi ku daray shacabka Jubbooyinka in looga baahan yahay in ay muujiyaan kaalinta kaga aadan Dagaalka Shabaab.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowaan sheegay in la qaadayo Howlgalka ka dhanka ah Shabaab, kaasi oo laga fulin doono dhammaan Degaanada Jubbaland.