Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidamada asluubta Soomaaliya ay si weyn u adkeyn doonaan amniga iyo ilaalinta xarumaha ay ku shaqeeyaan hey’adaha garsoorka dalka.
Basiir Goobe ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay ka hortagga falalka amni darada isagoo sheegay in ay xiri doonaan wadooyinka soo gala xarumaha maxkamadaha dalka.
Hadalka taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay saddex sano ka soo wareegatay weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.


