DHAGEYSO: Taliska Booliska Doolow oo digniin u diray Daraawalada

Doolow-RisaalaFM- Taliska Booliska Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxa uu digniin u diray Daraawalada Gaadiidka sharci la’aanta ku kaxeeya Degmadaasi.

C/laahi Xuseen oo ah Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay maalmahan in ay soo bateen kiisaska la xiriira shilalka ka dhaca Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay arrintan in ay ugu wacan tahay, kadib markii Magaalada ay ku soo bateen Daraawalada aan si wanaagsan u garaneyn kaxeynta Gaadiidka.

Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Doolow ee Gobolka Gedo C/laahi Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan Wadayaasha aan heysan sharciga lagu kaxeeyo Gaadiidka.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa waxa uu sheegay mar walba in ay diyaar u yihiin sidii ay u qaban lahaayeen waxyaabaha ay bulshada uga baahan tahay.