Boosaaso-RisaalaFM- Saddex Boqol oo Askari oo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa Tababar waxaa loogu soo xiray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib mudo 6 Bilood ah oo ay qaadanayeen Tababar.
Tababarkan ayaa waxaa bixinayay saraakiil ka socotay Dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa Degaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso, si ay dhanka Tababarka iyo Qalabeynta uga taageeraan Ciidanka Badda Puntland.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Labo jeer oo hore waxa ay Tababar siisay Ciidamada Badda Puntland, waxaana Ciidamadan oo ah Dufcadii Saddexaad oo uu Tababar siiyo Imaaraadka ay ilaalin doonaan xeebaha Puntland.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Maamulka Puntland C/raxmaan Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Maamulka Puntland in uu ku guuleystay Tababar siinta Ciiadanka Badda Puntland.



