Jabuuti-RisaalaFM- Wasaaradda Boostada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis wada shaqeyn ah waxa ay la saxiixatay Wasaaradda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti.
Heshiiskan ayaa waxa uu noqon doonaa Soomaaliya in ay xafiis ku yeelato Wasaaradda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti, xafiiskaasi oo noqon doona mid gudbiya islamarkaana ay ku soo dhacaan waxyaabaha Soomaaliya Boostadeeda ay direyso.
Kulanka heshiiskan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Baxnaan Cali Meydal oo isagu ah Agaasimaha Waaxda Boostada ee Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana uu ka warbixiyay heshiiskan iyo faa’idada uu u leeyahay labada dal.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda Boostada ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Saacid Jaamac, isagoo sheegay iskaashiga Labada Wasaaradood in uu noqon doono mid wax weyn ay ka soo bixi doonaan.


