DHAGEYSO Soocade “Saraakiil u dashay koofurta  ayaan Suuj ku dilnay”

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo la hadlay warbaahinta Puntland gaar ahaan SBC ayaa sheegay in saraakiil u dhashay koofurta Soomaaliya iney ku dileen dagaalada ay kula jiraan Alshabaab qaarkoodna ay ku qabteen.

Wasiirka oo ka hadlayay dagaalka wuxuu sheegay in ku dhawaad 70 askari iney ku dileen dagaalada maalmihii ugu dambeeyay Al-shabaab ay kula jireen oo ka dhacayay Nugaal iyo Mudug.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada ay qabteen saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo mid kamid ah la aqoonsaday inuu kasoo jeedo deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalada ka dhacayay Togga Suuj ayuu sheegay in saacadaha soo socdo ay soo afjari doonaan ciidamadooda, waxaana uu sheegay in ciidamada Puntland ku hareereysan yihiin Suuj.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka Alshabaab.