DHAGEYSO: Somaliland “Shabaab waan ka adkaanay”

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Somaliland ayaa sheegay sababta ay uga hortagaan weerarada ururka Al-shabaab ay isku dayaan in ay ka fuliyaan Degaanada Somaliland in ay tahay, wada shaqeyn ka timid bulshada oo ay la leeyihiin laamaha ammaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Yaasiin Faratanle oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay Shabaab in ay ku dhiiran waayeen in ay weeraro ka geystaan Somaliland, maadaama shacabka ay yihiin kuwo isku duuban oo Hal arragti ka leh Shabaab.

Yaasiin Faratanle Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay Shabaab in aysan marnaba isku dayi karin in ay qal qal geliyaan Degaanada Maamulka Somaliland uu ka taliyo.

Al-shabaab ayaa inta badan aanan isku dayin fulinta weeraro ay ka geystaan Degaanada Somaliland, waxaana sababta lagu sheegay wada shaqeynta ay leeyihiin shacabka iyo laamaha amniga in ay tahay mid wanaagsan.