Gaalkacyo-RisaalaFM- Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya oo Talaadadii ina dhaaftay uu soo magacaabay R/wasaare Khayre.
Waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin magacaabista Golaha Wasiirada, waxa ayna tilmaameen Golaha Wasiirada in ay ka rajeynayaan in ay wax weyn u qabtaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay rajeynayaan in ay noqoto xukuumad wanaagsan, loona baahan yahay in ay noqdaan kuwo shacabka Soomaaliyeed mar walba ka warqaba.
Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 68 xubnood, oo ay kala yihiin Ra’iisal Wasaare Ku xigeen, 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno iyo 15 xubnood oo Wasiiru Dowlayaal ah.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Muxudiin Maxamed (Saxansaxo).


