DHAGEYSO: Somaliland oo u digtay DF

Hargeysa-RisaalaFM- Maamulka Somaliland ayaa ka digay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso heshiiska saldhiga Millitari ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka furaneyso Magaalo xeebeedka Berbera.

Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara gelin ku sameyso saldhiga Millitari ee Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somalailand Xuseen Cige ayaa sheegay in Somalailand ay ka soo horjeedo Mooshinka xildhibaanada Baarlamaanka ay ka wadaan saldhiga Berbera.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii ina dhaaftay waxa ay diyaariyeen Mooshin ay kaga soo horjeedaan saldhigaasi, kaasi oo loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.