Hiiraan-RisaalaFM– Shabaab ayaa xalay xilli dambe sii daayay Shaqaale Caafimaad oo Arbacadii ina dhaaftay ay ka Afduubteen Degaanka Caluula-cad oo qiyaastii 10-KM u jira Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dadka ay sii daayeen Shabaabka ayaa waxa ay gaarayaan Afar Qof, kuwaasi oo kala ah kalkaaliye caafimaad, Laba Arday iyo Darawal, waxaana ay reebteen Dhakhtar dhinaca xoolaha ah.
Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya Dhakhtarkii ay la scodeen Shaqaalahaas Caafimaad oo lagu magacaabo, Dr. Xasan Madoobe, Gaarigiisa iyo qalabkii Caafimaad ay ku shaqeyanayeen.
Lama oga sababta ururka Al-Shabaab ay u reebteen Dhaqtarkan oo ka tirsan ururka dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha Goballada Dhexe.
Dadka Degaanka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen Dr. Xasan Madoobe.


