Dhageyso:-Somaliland oo sheegtay in Korneyl Caare mudan yahay in la toogto

Taliyaha guud ee Ciidamada Millateriga Somaliland  Nuux Ismaaciil Taani ayaa weerar afka ah waxa uu ku qaaday Korneyl Caare oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland,hayeeshee ka goostay,isla markaana dhowr mar la dagaalamay Ciidamada Soomaaliland.

Shir Jaraa’id uu Maanta Warbaahinta ugu qabtay Magalada Hargeysa ayaa sheegay in korneyl Caare uu ahaa Korneyl ka tirsanaa Ciidamada,hayeeshee uu yahay Nin loo heysto dilal badan uu u geystay dad ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Waxa uu taliye  Nuux Taani hadalkiisa intaasi ku daray in sidoo kale uu yahay Nin lunsaday Mushaar ay lahaayeen Ciidamada Soomaaliland,isla markaana uu mudan yahay in Maxkamad la saaro loona qisaaso dadkii uu dilay oo ka badan 10 ruux sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay Korneyl Caare waa dambiile dadkii uu laayay ayaa weli kiiskooda Maxkamada horyaalla,waxaana jira dad u doodaya,waxaana leeyahay Ninkasi waa dambiile,waxaana uu mudan in la toogto ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliland”.

Kornayl Siciid Cawil Jaamac (Caare) oo horay uga mid ahaa Ciidamada Soomaaliland balse ka goostay ayaa dhowr mar waxa uu dagaal kula galay deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag Ciidamada Soomaaliland, isaga oo ku hanjabay in uu weerari doono Magalada Hargeysa.