Dhageyso:-Somaliland oo ka jawaabtay eedeynta Seychelles

Dawladda Seychelles ayaa Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiiskii uga yaalay maxaabiistii burcad-badeedda ku eedeeysnaa ee todobaadkan Madaxweynaha Somaliland uu cafiska u fidiyey kuwaasi oo tiradooddu dhamayd 19 maxbuuus.

Maxaabiistaas ayaa waxaa la keenay  magaalada Muqdisho kadib markii odayaal ka tegau magaalada ay kala soo wareegeen Maamulka  Somaliland,hayeeshee Soomaaliland ayaa hadalka Dawladda Seychelles jawaab ka bixisay.

Garyaqaanka guud ee Soomaaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay hehsiiski horay u dhexmaray Soomaaliland iyo Seychelles, isaga oo ka jawaabay eedeyntii uga timid Seychelles.