DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay dilal ka dhacay Hargeysa

Hargeysa-RisaalaFM- Booliska Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan ay soo bandhigi doonaan dad dilal ka geystay Magaalada Hargeysa maalmihii la soo dhaafay.

Afhayeenka Booliska Maamulka Somaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalada ay wadaan.

Waxa uu sheegay Howlgalada ay wadaan ujeedkooda in uu yahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii dhowaan dilka u geystay qaar ka mid ah dadka ku jira Axsaabta siyaasadeed ee ka jira Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Feysal Xiis ayaa waxa uu sheegay dhowaan in warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan dambiilayaasha, dilalka geystay.

Ugu damberyntii Afhayeenka Booliska Maamulka Somaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shqeeyaan Ciidamada Amaanka, si looga hortago falalka Amni daro.