DHAGEYSO: Culimada Puntland oo ka digay Ciyaaraha Garowe

Garowe-RisaalaFM- Culimada Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka digeen Tartanka Kubbada Kolleyga Gabdhaha ee shalay ka furmay Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah Culimada Maamulka Puntland oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Garowe ayaa waxa ay ka digeen Tartanka Kolleyga Gabdhaha ee shalay ka furmay Magaalada Garowe.

Waxa ay sheegeen in xaaraan ay tahay marka loo fiiriyo Diinta Islaamka, Gabdho Muslimiin ah oo laga kala keenay Gobolada Dalka in ay ku hor ordaan meel dhalinyaro badan ay isugu imaanayaan, iyaga oo aan wadan dhar jirkooda asturaya.

Culimada ku nool Puntland ayaa waxa ay Maamulka Puntland ka codsadeen in gabi ahaan la kansalo Tartanka Garowe, sida uu sheegay Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax.

Tartanka Kubadda Kolleyga ee shalay ka furmay Magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulka Gobolka Banaadir, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbland.