Hargeysa-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa isku khilaafsan in Dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig Milliteri ka furato Magaalada Ber-bera.
Xubnaha qaar ee Mas’uuliyiinta ayaa ku kala aragti duwanaaday arrintan, maadaama qaarkood ay soo dhaweeyeen, halka kuwa kalena ay is hor istaag ku sameeyeen.
Siciid Cilmi Rooble iyo Maxamed Cabdi Waabeeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay ka soo horjeedaan in Dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhig Milliteri ka furato Magaalada Ber-bera.
Sidoo kale waxa ay sheegeen hadii saldhigan la dhiso in Somaliland ay yeelan doonto cadow aysan hada laheyn, taasina aan loo baahneyn.
Maamulka Somaliland ayay ugu baaqeen in aysan fara gashan colaada caalamka ka jirta, iyagoo taa bedelkeeda ku baaqay muhiim in ay tahay in laga wada shaqeeyo hormarka Soomaaliland.


